Amniga Somaliland Waxaa Suuqyada Hargeisa Lug Dhexmarayey Madax ka Socota Caalamka Oo uu Kamid yahay Madaxweynihii hore Sierra Leona.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha jamhuuriyada Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed Oo La Hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in Amniga somaliland marayo in goobjoogayaashii caalamiga ahaa ay si nabad galyo ah u dhex lugaynayaan suuqyada magaalada hargeisa, isagoo tusaale usoo qaatay Madaxweynihii hore dalka Sierra Leona oo kamid ah goobjoogeyaasha caalamiga ah ee ka qayb qaadanaya doorashada somaliland.