Berbera:-Dhagax Dhigay Mashruuc Lagu Horumarinayo Xeebta Batalaale Oo Uu Goob Joog Ka ahaa Wakiilka Midowga Yurub.

Saaxil(GNN):-Wasiirka Wasaarada qorshaynta qaranka somaliland, madax kala duwan oo ka socotay laamaha dawlada, maamulka gobolka saaxil iyo hay’ado caalami ah ayaa kasoo qayb galay xaflad balaadhan oo loo qabtay dhagax dhiga mashruuc lagu horumarinayo Xeebta batalaale ee Magaalada Berbera.

Waxaana Xafladan dhagax dhiga goob joog ka ahaa Wakiilka midowga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Somalia.

Xaflad Balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ayaa u hirgashay sidii loogu talo galay.