Caleemosaarka Madaxweyne Geele Oo Muujiyey Muuqaalka Isbahaysiga Cusub ee Siyaasada Geeska Africa.

Djibouti(GNN):-Munaasibada Xaflada Caleemo saarka madaxweynaha dalka jabuuti mudane ismaaciil cumar geele oo maanta ka qabsoontay dalka jabuuti ayaa kulmisay madax badan oo ka socoday dalalka caalamka ha ugu badnaadaan dalalka africa ah,

Dadka siyaaasada arrimaha geeska africa falanqeeya ayaa faallooyin ku qotoma xaqiiqada ka bixiyey isbedelka ku yimid durba siyaasadii geeksa africa.

Waxaana isbedel weyni ku yimid siyaasada geeska africa oo sanadihii hore ay xulafaysi weyn sameeysteen saddexda hogaamiye ee kala ah Madaxweynihii hore dawlada federaalka somalia maxamed c,laahi farmaajo, raysal wasaaraha dalka ethiopia Abiye Axmed iyo Madaxweynaha dalka ereteria Aziyas Afawerki, waxaana hogaamiyeyaasha saddexdaasi masuul ay siyaasada geeska africa ka dhigeen kuwo inta badan ku qasba aragtidooda ku waajahan isbahaysiga danahooda gaarka ah.

Waxaana taasi isbedashay kadib markii dhawaan uu madaxweyne farmaajo xilka si fool xun uga degay isna seegeen dalalka jabuuti iyo kenya oo ah quwadaha geeska africa wax badan laga waydiiyo.

Isbedelka xiligan muuqda ee yimid ayaa ah in Hogaamiyaaasha saddexda Madaxweyne ee  dalalka Somaliland Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil cumar geele, ayaa wakhtigan ah hogaamiyeyaasha isbedelka muuqda ka sameynaya dhinaca horumarinta siyaasada geeska africa, taas oo isbedelada dabaylaha siyaasadu ka dhigayso in wakhtigan jahadii ay u socotay aragtidii hore Raysalwasaare Abiye Axmed ay hal mar iska bedeshay.

Munaasibada caleemo saraaka Madaxweynaha Dalka jabuuti ayaa Muujisay Muuqaalka Ku yimid siyaasadii hore geeska africa oo sannad ka hor ay xulafaysi weyn sameysteen hogaamiyeyaasha aynu hore magacyadooda usoo sheegnay.

Hogaamiyaasha Wakhtigan talada dalalka Jabuuti kenya iyo Somaliland ayaa la filayaa inay wax weyn ka bedesho arrimaha Ku Gadaaman Geeska Africa.