Haldoorka iyo Culimada Somaliland Maxay Ka Yidhaahdeen Musharax Garyaqaan Xassan Sh C.laahi Ibrahim.

Hargeisa(GNN):-Haldoorka iyo Culimada Ayaa iftiimiyey Musharax Xassan C,laahi Ibraahim oo kamid ah Musharaxiinta u sharaxan Golaha Wakiilada SOmaliland isagoo musharaxu ka sharaxan Xisbiga Waddani.

<strong>Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka.</strong>

Musharax Xassan Sheekh C,laahi Ibraahim Ayaa Kamid ah Da’yarta aqoonta fiican u leh arrimaha sharciga iyo dajinta shuruucda, waxaana aqoonta culuumta dhinaca sharciga uu kusoo bartay dalka suudaan isagoo kamida dhalinyarta tobankii sanno ee u danbeeyey ka shaqeynayey arrimaha bulshada iyo dhisida iyo kor u qaadida aqoonta diinta iyo sharciga, waxaana musharax Xassan Sh C,laahi Ibraahim uu kasoo shaqeeyey Hay’ado Caalamiya iyo kuwo khayriya, sidoo kale waxaa uu barre sare ka yahay Qaar kamid jaamacadaha dalka oo uu ka dhigo culuumta sharciga.