Musharaxiinta Xassan Sh C.laahi iyo Prof Khaalid Maxamed Ismail Oo Wacdaro Kusoo Bandhigay Ololaha Doorashada Gobolka Gabiley.

Hargeisa(GNN):-Labada Musharax ee kala ah Aqoonyahan Xassan Sheekh C,laahi oo u Sharaxan golaha wakiilada gobolka maroodijeex iyo musharax Khaalid Maxamed Ismaaciil oo u sharaxan xildhibaanada golaha deegaanka degmada gabiley, ayaa si weyn uga dhexmuuqday Ololaha Doorashada Xisbiga waddani oo maanta ay kusoo bandhigeen cududooda taageero ee ay shacabku u qabaan labada aqoonyahan oo waxweyn ka taridoona golayaasha ay tartanka ugu jiraan. boqolaal qof oo isugu soo baxay shaaricyada magaalada hargeisa iyo gabiley oo taageeraya musharax garyaqaan Xassan Sheekh C,laahi Ibraahim iyo taageeraasha Musharax prof Khaalid Maxamed ismaaciil ayaa si weyn wadooyinka magaalada gabiley ugu muujiyey taageeradooda.

Prof Musharax Khaalid Maxamed Ismaaciil Ayaa Muddo baddan ka ahaa maamulka sare jaamacada Timocade ee Gobolka gabiley oo uu kamid ahaa raggii dhidibada u taagay ilaa imikana kamida barayaasha jaamacada.

Waxaana wakhtigan hankiisa musharaxnimo uu yahay sidii door muuqda uga qaadan lahaa kor u qaadida arrimaha bulshada ee degmada gabiley oo u taagan yahay mudaneyaasha golaha deegaanaka Gabiley.

Sidoo Kale Garyaqaan Xassan Sheikh C,laahi Ibraahim Oo u taagan musharaxa golaha wakiilada ee Gobolka maroodijeex ayaa isaguna aqoonta dhinaca shareecada kusoo qaatay barashadeeda dalka suudaan isagoo sannadihii ugu danbeeyey ahaa barre jaamacadaha hargeisa ka dhiga culuunta sharciga iyo diinta kana shaqeeya ururada bulshada rayidka ah.

Halkan Ka Daawo Sawirada iyo muuqaalo Hordhac ah oo Labada Musharax kala qayb galeen Taageerayaashooda.

https://youtu.be/Yd1su5Q7Nrg