Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Axmed Cabdilaahi ayaa sheegay in la dhammaystiraayo soddonka bisha ramadaan .
“Gobollada dalka, Geeska Afrika iyo dawladaha Islaamka waannu la xidhiidhnay, cid bishii aragtayna ma jirto, sidaas awgeed berri oo Arbaca ah waa Ramadaan, ciidduna waa Khamiista idam Alle”. ayuu yidhi
Maalinta khamiista ayaa noqonaysa maalinta kowaad ee ciida fidrida sida uu sheegay wasiir Khaliil