WARARKA




Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee JSL ayaa shaaciyey Maalinta Ciida iyo Wakhtiga ay Tahay.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Axmed Cabdilaahi ayaa sheegay in la dhammaystiraayo soddonka bisha ramadaan .

โ€œGobollada dalka, Geeska Afrika iyo dawladaha Islaamka waannu la xidhiidhnay, cid bishii aragtayna ma jirto, sidaas awgeed berri oo Arbaca ah waa Ramadaan, ciidduna waa Khamiista idam Alleโ€. ayuu yidhi

Maalinta khamiista ayaa noqonaysa maalinta kowaad ee ciida fidrida sida uu sheegay wasiir Khaliil