Xukuumadda oo Amar siisay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeisa(GNN):-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Axmed ayaa bulshada ugu baaqay in ay qayb weyn ka qaataan sugida amniga doorashooyinka isku-sidkan ee todobaadka danbe Somaliland looga dareeraayo .

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in Somaliland lagu majeerto nabadgelyada oo ay kaga wanaagsan meelo badan oo dunida ku yaal , waxana uu yidhi  “Waxa aan Ictiraafka ka dhicin ee Somaliland haysta ee aduunyadu ku majeerata ee aynu korsanaa waa nabadgelyada oo lagu qiyaasa in aynu nahay meelaha ugu wanaagsan Afrika, sidaa darted waxa la rabaa in doorashada uu muuqdo bisaylkii dadka reer Somaliland ee dimuqraadiyadda, nabadgelyada iyo nidaamka dawladnimada”

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ciidamada ugu mahadceliyey shaqada wanaagsan ee ay qarankooda u hayaan , waxaanu ku amray in ay gacan ku bir ah ku qabtaan amniga doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada .

Ciidamada, mellateriga , booliska , laanta socdaalka, asluubta , sirdoonka iyo ciidanka ilaalada xeebaha ayaa si wada jir ah u sugayaa ammaanka doorashooyinka sida ay sheegtay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Kaahin ayaa saddexda Xisbi qaran ugu baaqay in ay la socdaan barnaamijyada iyo hab-dhaqanka murrashixiintooda madaama ay iyagu hoggaaminayaan , waxaanu usoo jeediyey in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka

“axsaabta siyaasadda yaan lagu kala caban maanta ilaalinta arrimaha nabadgelyadda iyo nidaamka sharciga doorashadu lagu gelaayo” ayuu yidhi