Dimuquraadiyad iyo Qabyaalad isku Sidkan….. W/Q:-Cabdiraxman Aadan Madar (Abdirahman Joco)

Hargeisa(GNN):-31 May waxaa guud ahaan Soomaalilayn waxaa ka qabsoomay doorashiinyinka golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka,doorashooyinkan oo ahaa kuwa is ku sidkan ayaa xambaarsanaa xiiso iyo xamaasad dimuquraadiyadaysan oo aanay ka maqnayn qabyaalad,sidoo kale waxay  ahayd mid beesha caalamka farxadgalisay qaabka iyo hanaanka ay u qabsoontay iyada oo ay joogeen goobjoogayaal caalamiya iyo safiiro badan oo ka kala socday wadamo kala duwan. 

Dhinaca dimuquraadiyada markaan ka eegno waxay ahayd doorasho soo jiidatay wadamada jaarka inala ah iyo wadamada shiyeeshe ee waliba qaarkood ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ee ay Somaliland kamidka tahay,waxay ahayd doorasho hal qof iyo hal cod (one man one vote) waxay ahayd doorasho nabdoon,waxay ahayd doorasho jawi dagan ku bilaabantay,waxay ahayd doorasho jawidagan ku soo gaba gabooday. 

Sidoo kale dhinaca qabyaalada ayaan ka maqnayn doorashadan dimuquraadiyada ahayd ee waliba beesha caalamka aad ka u soo jiidatay,ayaa waxaa loo tartamayay reero reero oo qolaba qolo ayay latartamaysay oo ay rabtay inay ka xildhibaano bataan qola waliba waxay u tartamaysay sidii ay u soobixilahaayeen xildhibaano u matala golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanaka Somaliland. 

Hadana iyada oo saas loo tartamayay lama arag wax carqalad ku ah doorashooyinka is ku sidkan ee wakiilada iyo golayaasha deegaanka,waana doorashadii koobaad ee aanay xabadi kadhicin lamana arag mucaarad cabanaya waloy ay mucaaradku hada kaga awood badanyihiin xumada kuraasta baarlamaanka iyo kuraasta golayaasha deegaan markii ay is bahaysteen. 

Doorashadani waxay bogsiisay boogihii iyo kala fogaanshihii ay dhalisay doorashadii madaxtinimada ee qabsoontay 2017 kii ee uu ku soo baxay Madax-wayne Muuse Biixi Cabdi oo reer soomalilan u kala qaybisay Bari iyo Galbeed, abuurtayna kala fogaansho siyaasadeed balse taa badalkeeda doorashadan uu qabtay Madax-wayne Somaliland ayaa noqotay mid meesha ka saartay kala fogaanshihii siyaasadeed ee loo qala qaybsanaa labada dhinac waxayna noqotay doorasho macaarid iyo muxaafidba ay mahadiyeen.   

 

Dulucda qoraalkan waxaan uga goleeyahay sedexda musharax ee kala ah Barkhad Jaamac Batuun,Xasan Dhuxul Laabsalaax oo ku guulaystay golaha wakiilada iyo Cabdikariin Axmad Mooge oo isna ku guulaytay golaha deegaan ka caasimada Hargaysa oo aan iyaga logu dooran qabiil iyo qabyaalad waxay sumad uyihiin dhalinyarada reer Somaliland hankooda mustaqbalka shanta sano ee soo socda. 

Dhalinyarada gobalka maroodi jeex wiilal iyo gabdhoba waxay cod kooda si hagarla,aana u siiyeen sedexdaa xildhibaan ee da,ada yar ee iyaga ku matalaidoona shanta sano ee soosocota golayaasha baarlamaan iyo deegaana,waxaana looga fadhiyaa sidaa ay dhalinyaradu ugu liseen inay ugu hambeeyaan,maxaa yeelay waa waa cusub oo u baryay dhalinyarada reer somalilan guda iyo dibadba . 

Shacab waynaha gobalka maroodi jeex waxay sidoo kale meesha ka saaran haybsoocii lagu hayay bulsho walaalaheena oo inala noolaa boqolaal sano oo lagu hayay edge aan  Kadin lagabaxo lahayn balse waxaa taa manta jabiyay Barkhad Jaamac Batuun oo isagu hankiisa siyaasadeed masraxa keenay waxaana u hiiliyay shacab waynaha reer Somaliland manta waxaa meesha kabaxay haybsoocii lagu hayay dad aan waxba galabsan oo quudhsi iyo bahadil la noolaa balse manta taasi meesha way kabaxday dadku waa simanyiin Barkhadna beeshiisa waxa uu tusay inay laan dheerayaal yihiin siyaasaduna ufurantahay oo aan cidna ka xigin. 

Hadaba Barkhad,Laabsaalax ,Cabdikariim waxaa laga sugayaa ka midho dhalinta hamiga iyo himilada  dhalinyarada reer Somaliland wiilal iyo gabdhaba iyaga ayaa horsed iyo tusaale wanaagsan unoqondoona ama waxay xabaali doonaan hankoodii ahaa in meesha laga saaray  qabyaaladii  iyo hayb soocii mudada dheer soo jiray. 

Talaabadaa wanaagsan ee manta laqaaday waxaa rumayn kara ama beeninkara ragaa aad doorateen ee aad codkiina siiseen kuna aaminteen hankiina mustaqbalka siyaasadeed iyo aragtidiina ahayd inay meesha ka baxdo qabyaalada iyo haybsooca foosha xun ee daashaday bulsho waynta soomaalilad deegaan kay doonaan hadagaane.  

Ficilkooda,waxqabadkoda iyo qawlkoodu waxaa uu ka turjumi doonaa sida ay u dhaqmaan iyo in laga helo waxa laga filanayo ee loogu daalay tan iyo maalintii ay gudida doorashooyinku asteeyeen inay doorasho dimuquraadiyi dalka ka qabsoomi doonto,sida hagar la,aamta ah ee loo maamuusay nimankaasi waa inay iyaguna u maamuusaan umadii halkaa gaadhsiisay. 

 

Waa cusubaa ubaryay dhalinyarada hami iyo han siyaasile ee reer somaaliland iyagoo hiigsanaaya raga walaaalahooda ah ee ay ku tabceen,ayaa waxay ka sugayaan inay u dhabawdo waxa ay filanayaan mustaqbalka, markaa ragaa waxaan leeyahay waxaa idinsaaran xil aan saarnayn raga aad is ku kuraasta tihiin maxaa yeelay idinku ku maydaan iman matalaad hal reera balse waxaad ku timaadeen matalaada rajo iyo hiigsi dhalinyarada idinla faca ah ama idinka yar rabitaankooda mustaqbalka soosocda.  

 

Cabdiraxman Aadan Madar (Abdirahman Joco) 

Cabdirahman7up@gmail.com