Ururka Qareenada Somaliland Oo Bogaadiyey Hanaankii Doorashada Somaliland U Qabsoontay, Kuna Baaqay In La Furo Doorashada Golaha Guurtida.

Hargeisa(GNN):-Ururka Qareenada Somaliland ee Magacooda loosoo gaabiyo Solla ayaa Xafiiskooda maanta shir jaraa’id ay ku qabteen kagaga hadlay arrimo doora.

Waxaa ururka qareenada somaliland ugu horeyn shacabka Jamhuuriyada Somaliland qaybihiisa kala duwan ay ururka qareenada somaliland ugu hanbalyeeyeen hanaankii wanaagsanaa ee doorashadii isku sidkanayd ee golayaasha deegaanka iyo wakiiladu dalka uga qabsoontay.

ugu horeyn gudoomiyaha ururka Qareenada Somaliland Garyaqaan Xassan C,laahi Cawaale iyo Xoghayaha Ururka Qareenada Somaliland garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal oo halkaasi ka hadlay ayaa arrimahaasi ka hadlay.