Muqdisho(GNN):-Maaha markii ugu horeysay ee banaan bax noocan ahi ka dhaco magaalada.
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta markale dibad-bax ballaaran ka dhigay qaar ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda askarnimada loogu qaaday dalka Eritrea, iyagoo baaq u diray dowladda dhexe.
Waalidiintan ayaa weli baadi goob ugu jiro wiilashooda oo war iyo wacaal laga waayey, tan iyo markii loo qaaday dalka Eritrea, waxana cabashadu ay kasii dartay markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in dhalinyaradaas qaarkood laga dagaal-geliyey gobolka Tigray.
Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay isgoys KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda muddo xileedkooda uu dhammaaday, waxayna ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen wal-walka waalidiinta e& maqanaashiyaha caruurtaooda.
Sidoo kale qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa markale ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, isla-markaana uu ka hadlo xaaladda ay haatan ku sugan yihin dhalinyaradii Soomaaliyeed ee la geeyey Eritrea.
Dibad-baxan ayaa sidoo kale wuxuu imaanayaa, xilli aysan weli wax shaqo ah qaban guddigii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xil-saaray cabashada waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caruurtooda tababar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea.