Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Warsaxaafadeed kasoo Saaray 25 Hablood Oo Ku Xidhan Xabsiga Gabiley Laga Soo Wareejiyey Borama.

Borama(GNN):-Komishanka xuquuqal insaanka somaliland ayaa war kasoo baxay lagu sheegay sida ay uga walaacsan yihiin gabdho tiradoodu gaadhayso ilaa 25 hablo ah oo ku xidhan xabsiga dhexe magaalada gabiley, halkaas oo loosoo wareejiyey kadib markii maalmihii xuska maalinta madax banaanida qaranka somaliland ee 26 june ay dabaal deg ku sameeyeen iyagoo ku labisan calanka buluuga ah ah ee somalia.

warkan kasoo Baxay hay’adaha Xuquuqada aadamaha somaliland oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Shabakada HadhwadaagNews ayaa lagu yidhi sidan.