Musharaxa Shirgudoonka Golaha Wakiilada jsl Prof Yaasiin Xaaji Max’ud Xiir Faratoon Oo Sheegay Inuu Kagaga Haboonyahay Dadka Tartanka Kula Jira.

Hargeisa(GNN):-Loolanka adag ee ka taagan shirgudoonka golaha wakiilada somaliland oo ay ku tartamayaan Yaasiin Xaaji maxamuud xiir faratoon wasiirkii hore wasaarada arrimaha dibeda somaliland xilal farabadana kasoo qabtay xukuumadihii kala horeeyey ee somaliland oo maanta waraysi lala yeeshay ayaa si adag ugu adkaystay inuu kagaga haboon yahay dadka la tartamaya, islamarkaana uu yahay qof somaliland qarankeeda wakhti badan iyo tacab soo galiyey, waxaa uu sidoo kale maangaabnimo ku sheegay in lagu meeraysto faaratoon waa da’a weyn yahay waxaanu sheegay in caalamka ay qayrkii iyo rag ka da’weyni hayaan xilalkan iyo kuwo wasiirnimoba.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaal Xildhibaan Musharax Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.