Shirkada Dahabshiil Group Oo Door Laxaad Leh Ka Qaadatay Ololaha Nadaafada Dooxa Weyn ee Hargeisa.

Hargeisa(GNN):-Shirkada Dahabshiil group oo kamida shirkadaha ugu waaweyn dalka Somaliland islamarkaana ka shaqeeya dhinacyada isgaadhsiinta casriga, xawilaada lacagaha iyo Adeegyo kala duwan ayaa maanta waxay hormuud ka ahayd ololaha Nadaafada caasimada hargeisa oo laga bilaabay dooxa weyn ee magaalada hargeisa.

waxaana shirkada dahabshiil group oo ku gaashaaman qalabka kala duwan ee gaadiidka, agabka lagu guro qashinka ayaa subaxnimadii hore saaka iyadoo heegan aha ka bilowday Dooxa hargeisa ololaha nadaafada caasimada.

Waxaana shirkada dahabshiil group noqotay Shirkada kaliya ee kagaga qayb qaadatay Gaadiidkii ugu tirada badnaa sida cagafyada loogu talo galay gurista ciida qashinka iyo sidoo kale goynta dhirta, sidoo kale shirkada dahabshiil group ayaa keentay dooxa hargeisa iskarogooyinka waaweyn ee xamuulka qaada kuwaas oo doorax dhaxal gal ah ka qaatay gurista qashinka dooxa hargeisa.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Faahfaahsan.