Shirkada Dahabshiil Group oo Si weyn Uga Qayb Qaadatay Ololaha Nadaafada ee Ka Socoda Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer.

Burco(GNN):-Shirkada Caalamiga ah ee Dahabshiil group oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn dhulka soomaalida ayaa door laxaad leh ka qaadatay ololaha nadaafadeed ee kasocoda  Magaalooyin hargeisa iyo burco.

Waxaana Maanta ololaha nadaafadeed uu ka bilaabmay guud ahaan magaalada burco oo si weyn looga qayb qaatay iyo dooxa weyn ee magaalada hargeisa oo isagana khamiistii labaad oo maanta ah uu ka bilaabmay ololaha lagu nadiifinayo dooxa weyn ee hargeisa,

waxaana ololahaasi horkacayey maayirada magaalooyinka hargeisa iyo burco.