Xukuumada Somaliland Oo Ruqsadii Ganacsi Kala Noqotay Shirkad Adeega Dhinaca Maraakiibta ah Oo Uu Leeyahay Ganacsade Muwaadin Axmed Geele Arab.

Hargeisa(GNN):-Nuxurka Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaarada ganacsiga iyo dalxiiska somaliland ayaa maanta soo saartay qoraal lagu sheegay in ruqsadii ganacsi lagaga joojiyey shirkada Intergerated Shiping Service oo ka shaqeysa dhinaca saadka ee alaabaha dalka somaliland kasoo gala dhinaca dekedaha, waxaana nuxurka qoraalkaa lagu sheegay in shirkadan uu leeyahay ganacsadaha Axmed cismaan geele Arab ay dalka gaar ahaan dekeda magaalada berbera keentay Masuulka ugu sareeya shirkada Saadka ee dalka itoobiya ee magaceeda loosoo gaabiyo Ethiopian shipping and logistics services,

Waxaana Ganacsade Axmed cismaan geele Arab sida wararka sheegayaan lanoo xaqiijiyey in shirkadan Ethiopian shipping and logistics services, uu ka yahay wakiil isagu u qaabilsan arrrimaha lasoo dagista xamuulka kala duwan ee dalka itoobiya usoo maraya dekeda berbera, iyadoo markabkii ugu horeeyey ee dalka itoobiya u siday alaab ee soo gaadhay dekeda berbera ay masuuliyadeed iyo wakiilnimada u suurto galiyey ganacsade Axmed Cismaan geele Arab.

Ma Jiro Wax war ah oo kasoo baxay dhinaca ganacsade Axmed cismaan geele arab oo kamida ganacsatada ugu waaweyn  ee maalgashiga dhaqaale ku sameeyey somaliland isagoo ganacsiyada faraha badan ee ku leeyahay somaliland ay kamid yihiin shirkada sharaabka soosaarta ee SBI iyo shirkada caanaha ee lagu magacaabo Lis waxaana shirkadaha kala duwan ee ganacsadahan lagu magacaabaa LAASo GROUP.

HALKAN Hoose Ka Akhriso Ama Ka Daawo Nuxurka Warka Wasaarada Ganacsiga jsl.