Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Askari Boolis ah oo La Kulmay Isagoo Bulshada Dhibaataynaya.

Hargeisa(GNN):-Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Dabagale ayaa maanta xabsiga u taxaabay mid kamida ciidamada booliska somaliland

kaas oo sida ay bulshadu sheegeen dadka shacabka ah ee muwaadiniinta ah ku dhibi jiray suuqa hargeisa, waxaana taliyaha ciidamada boolisku la kulmay askarigan oo wiil suuqa ku haysta ganacsi ka daayey islamarkaana ku dhibaya, jananka ciidamada booliska somaliland ayaa talaabo adag ka qaaday kadib markii askarigan ciidanka ah uu la kulmay isagoo ficiladaa ku sameynaya shacabka.

Halkan Hoose Ka daawo Muuqaalka Warkan.