War Deg Deg Ah; Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Dekeda Jemel Cali Ee Magaalada Dubai! .

Dubai(GNN):-Qarax xoogan ayaa goordhawayd ka dhacay magaalada Dubai kaasi  oo gilgilay magaalada

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay, iyadoo soo xiganaysa dad goobjoogayaal ah, in qarax xoog leh laga maqlay magaalada Dubai, iyadoo xustay in sababta aan wali la ogeyn.

 

Sidoo kale Warbaahinta Imaaraatka ayaa  waxay shaacisay in qaruxu ka dhacay dekedda Jebel Cali ee ku taal magaalada Dubai.

Warbaahinta dalka Imaaraatka Waxay intaas ku dartay in dab ka kacay markab ganacsi oo marayay meel ku dhow dekeda Jebel Ali ee Dubai.

Qaraxan oo aad uxooganaa ayaa  wuxuu sababay in guryo badan oo magaalada Dubai ku yaal ay  gilgilmaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan difaaca madaniga ayaa sheegaysa in kooxaha dab-damiska ay ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dab ka kacay markab saarnaa Dekedda Jebel Ali.

Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen inaanu jirin wax dhaawac ah oo ka dhashay dabka ka kacay Qaraxa iyo markabka oo dabkii kakacay Ilaa hadda lala tacaalayo  .

Exit mobile version