Wiil Sheegay In Wasiirka Beeraha Somaliland U Adeegsaday Koox Dhaawacyo u Gaysatay Oo Warbaahinta La Hadlay.

Borama(GNN):-Magaalada borama ee Xarunta gobolka awdal waxaa todobaadkii hore dhaawacyo loogu gaystay c,risaaq gorayo oo kamida dhalinyarta ku nool magaalada borama, waxaa uu sheegay in koox lasoo abaabulay ay goor habeenimo ah kula kacee jidh dil culus, kuwaas oo ku dhawaaqayey sida uu sheegay maxaa lagaa siiyaa wasiirka beeraha Axmed Muumin seed.

Hadaba dhibanahan oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta gobolka awdal ayaa warbaahinta uga waramay sida ay wax ugu dhaceen, waxaanu sidii uu hore u sheegay ku celiyey in jidh dilkaa ay kula kaceen koox uu soo abaabulay wasiirka wasaarada beeraha somaliland Axmed Muumin Seed kadib markii wiilkani sida uu sheegay Qoraal kooban oo uu ku dhaliilayo wasiirka uu ku baahiyey baraha bulshada.

Halkan Hoose ka daawo muuqaalka wiilkan la dhaawacay.

Xogta warkan ayaa lagu daabacay sida aanu ka soo xiganay shabakada Hadhwadaagnews.com