Maxaad Kala Socotaa Duruufaha Qalafsan oo ku Gadaaman Danyarta Xaafada Isku-raranta State House-ka

Hargeisa(GNN):-Bulshaweynta ku nool xaafada State House-ka ee magaalada Hargeysa, waxaa ay yihiin kuwa ugu nugul una baahan waxkasta oo ay ku maareyn karaan noloshooda aadka u liidata.

Haddaba warbaahinta ayaa u kuurgalay xaafada isku raranta State House ee magaalada Hargeysa, waxaanu warsidaha wargeysku uu soo xafiday, in baahiyaha ugu badan ee xaafadaasi ka jira ay yihiin, helitaanka jidadka mihiimka u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka, helitaanka adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo in laga hagaajiyo xadhka laydhka xaafadani siiya oo isku murgay sababo la xidhiidha dadka oo hoosta iskaga wada jira, isla markaana aan haysan dhul waafi ah, iyo goobaha qashin qubka, waana kuwa unugul qabawga habeenkii, kuleylka maalintii iyo dhibica roobka.

Sidoo kale intii aanu ku jirnay diyaarinta warbixintan waxaananu kala kulanay dareen walbahaar iyo caloolyow xanbaarsan.

Bulshada xaafadani waxaa u horreeya ee ay ku sheegayaan waxaa uu yahay haddii u dab qabsado in aanay lahayn wado gaadiidka gurmadka deg dega ahi u soo maraan, waxaanay ka codsadeen duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdikariim Axmed Mooge in uu ka soo war-doono isla markaana uu jid baneyn ka sameeyo xaafada, meeshana ka saaro guryaha Buul Hurguriga ah ee keenaya cidhiidhiga iyo  haddii uu goobtan ka rari karana meel uga saxo wanaagsan uu u raro.

Xaafadan oo u qaybsan shan qaybood, waxaa ay guddoomiye ku xigeenka xaafadaasi Marwo Khadra Abiib Cabdi, ay walaac ka muujisay ubadka degan xaafaddaasi ee ka hadhay adeegyada waxbarasho ee dalka, in aanu Mustaqbalkoodu noqoneyn mid midha wanaagsan laga gurto wakhtiga soo socda.

Guddoomiye ku xigeenka xaafada State House, Khadra Abiib Cabdi ayaa sheegtay in ay baahiweyn u qabaan in meesha laga saro guryaha ‘Buul Hunguriga’ ah si ay u helaan waddooyin gaadiidka gurmadka deg degga ahi u soo maraan.“Hooyada gurigan lihi iyada oo ka maqan ayuu gubtay gurigeedi, wax ay ku dhisatana waa ay wayday, cid wax ka bakhtiisay ma jirto waxna waa laga saari kari waayay, gaadiidka dabdamiskuna meel uu u soo maro ma helo.

Kow iyo laba toona maaha inta xaafadan aanu deganahay ee State House-ku ay gubatay, marka waxaa aanu diyaar u nahay wixii caqabad nagu ah in nalaga dhexsaaro, oo ay kow ka yihiin guryaha aan la gelin ee ‘Buul Hunguriga, si aanu u helo waddooyin naloo soo maro oo aanu maydka ka saarno, muwaadiniin ayaanu nahay, marka codka nalaga doonayo nalooma abtiriyo, balse marka codka aanu dhiibano ciddi dib nooma soo eegto.

Hooyada labada kun ee shilin haysataana waxa ay biyaha ka iibsata xaafada dhexdeeda ta aan haysanina Xerada Danbi-baadhista agteeda ay ama dhabarka kaga soo qaada ama kaaryoone kaga soo riixdaa.

Ardaydayadu wax barasho ku filan ma hesho, ilmuhuna wax noloshiisa uu ku maareeyo marka uu waayo waxa uu noqda gaangis, waxbarashad dadban ma helo, ta farsamada gacanta ma helo, carruurtii jaamacadihii qoysas badan oo aan ka bixin karin ayaa jira, marka waxa aanu codsaneyna in dawladdu il-naxariis-leh ay nagu eegto”

Khadra waxa ay hoosta ka xariiqday in duqa caasimada ay ka rajaynayaan helitanka degaan nadiifa oo ay ku noolaadaan.“Duqa caasimada Hargeysa aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa maadama uu bilic soo celintii magaalada aad uga shaqeynayo, diyaarna u yahay cidkasta oo la shaqeysa anaguna waanu garab istaageyna, waxa aanu ka rajaynaa degaan nadiif ah oo aanu ku noolaano oo leh adeegyadii mihiimka u  ahaa nolosha.

Waxaa aanu ka codsanayna in xaafada uu kala fudeydiyo oo waddooyin ka saaro, haddii uu u heli karo dhul uu noo rarana uu na raro diyaar ayaanu u nahay”

Hooyo Nimco Xuseen Axmed ayaa sheegtay in biyo la’aanta xaafadooda ka jirta ay gayeysiisay in mastaafo dhan hal killo mitir ay biyaha dhabarka kaga soo qaadan.“Waad aragtaan bal eega wadadaasi inta ay isku jirto laba qof iskuma dhaafi karaan, mayd lagama saari karro, gaadhi soomarana hadalkiisa iskaba daa.

Halkan biyaha ayaa soo mara saddex saacadood ayaanu sugnaa inta uu roobku qaadayo, tukaan ma tagno, ciyaalka waxbarasho uma dirno, meelna kama soo adeegano biyaha maraya dartood waana wadadayadii, marka maayirka cusub waxa aanu ka codsanayna in uu xaafadayada hoos u eego, oo uu ilgaara ku eego Buul Hunguriyada caqabada ku ah horumarka iyo jidadka xaafada.

Masqulaha ‘Suuliyada’, caqabad aad u weyn ayaa naga haysata, tobankii qoysba hal Suuli ayaa ka dhaxeeya, biyo ma lihin oo marka aanu biyoolaha weyno Qasabada guriga madaxweynihi hore hortiisa ku taala mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaanu Shirikaamada dhabarka kaga soo xanbaarnaa, hooyada aan haysan wax meel lagu geeyo guriga uunbay ku dhiigbaxda ama ku dhimataa”

Farduus Maxamed kana mida waalidiinta xaafada State House-ka, ayaa tilmaantay in boqol iyo labaatan guri ay ku gubteen xaafada isla markaana ay sabab u ahayd wado la’aanta baahsan ee xaafadooda ka jirta. “Waddooyinkii ayaa nagu cidhiidhi ah, roobka oo kale marka uu da’o jidadka oo dhami waa ay is xidhaan.

Laydhkii oo kale shan guri ayaa isku wada xiga, xadhkahoodii laydhku waa ay is wada sudhan yihiin.

Carruurtii marka ay ka baxaan dugsiyadii sarre, awood dhaqaale oo jaamacad lagaga bixiyo looma hayo, marka waaka ama suuqa galay ama gaangis dadka dhaca noqday.

Halkan aan deganahay mar boqol iyo labaatan guri ayaa ku gubtay, islaanina waa ay ku dhimatay, xoola fara badanina waa ay ku nafwaayeen, marka boqol iyo labaatanka, labaatan uunba gubanlaha markii haddii waddo la heli lahaa, marka gubashadu waa dhibaato weyn oo na haysata, waxbarasho la’aantu iyaduna waa dhibaato na haysata, maayirka cusub waxa aanu ka codsanayna in uu jidadka noo banneeyo,”

Hooyo Aamina Muxumed ayaa si dareen taabasho leh ugu dhawaaqday in aanay ka gam’in shoodhka ay bixiyaan biraha laydhka ee xaafadooda ka dhex taagani. “Birtaasi waaay noo olosha oo qaac ayay bixisa anaga oo hurudna, reero kale iyo kuwa aan seexaneyn oo meelaha marmaraya ayaa yidhaaha laydhka iska bakhtiya.

Maydkayagu marka uu halkan uu ku dhinto caw ayaa lagu qaada ilaa laga gaadhsiinayo gaadhiga la saarayo.

Suuliyada toddoba aqal ayaanu kuwad gala, Covid-19 ayaa jira, dadku waa uu kala baqanayaa, waxaa aanu doonayna dawladd sare iyo mid dhexeba in ay hoos noo eegaan”

Naasir Qawdhan waxaa uu is dultaagay in isaga oo sagaal carruur ah dhalay uu galo guri ka kooban makhsin iyo barande, isla markaana aanu haynin meel kale oo ay ubadkiisu ku noolaadaan. “Anigo sagaal carruur ah dhalay ayaa Makhsin iyo Barande ku jira, oo waa weynaaday xataa sow haddan awood hayo meel kale umaan baxeen.

Marka dawladda Somaliland waxaa aanu ka codsanayna in ay hoos noo eegaan, oo cidhiidhiga aanu ku jirno, wado la’aanta iyo duruufaha dhanka nolosha ee xaafadani la dariska tahay ay hoos u soo eegaan.”

Hooyo Canab Cali Axmed ayaa xustay in Suuliyada xaafadooda ka qodan oo koobani ay keentay todoba ilaa laba iyo toban qoys halkii Masqul ah ay waddaagaan.“Waddooyin ma haysano, waxbarasho ma haysano, suuli ayaanan haysan, sababto ah halka Masqula waxaa lagu gala toddoba qof, xaafada iga shisheysa laba iyo toban qof ayay ku gashaa, marka suuli la’aantaasi ayaa dhibaato nagu haysa, waxa laga yaaba sida ubadkayagu isaga daba sugayaan suuliga in saacadii iskuulka ay kaba dhacdo.

Gabadha fooli qabato meel aanu marino ma hayno, ka xannuunsanaya meel aanu marino ma helo, Maayirka la doortay habeeno ayaanu u soo jeednay guushiisa, kuyuu ayaanu u galnay, haraad ayaanu u marnay, ubadkayagii ayaanu ka tagnay anaga oo waxba u karin, maanan qadayn, marka waxaa aanu doonayna in uu dib noo soo eego oo waddooyinkan naga banneeyo dad muwaadinin ah ayaanu nahay”

Duruufo Qalafsan oo ku Gadaaman Danyarta Xaafada Isku-raranta State House-ka/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Duruufo Qalafsan oo ku Gadaaman Danyarta Xaafada Isku-raranta State House-ka/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan