War Deg-dega-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Oo uu Ku Guuleystay Xil C,risaaq Khaliif Axmed.

Hargeisa(GNN):-Doorashadii Shirgudoonka golaha wakiilada somaliland oo saaka ay u fadhiisteen 81 xildhibaan oo lagu dhaariyey xarunta golaha wakiilada somaliland 81 mudane, ayaa waxaa si rasmiya ugu guuleystay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Xildhibaan C,risaaq Khaliif Axmed Oo kamida Xildhibaanadii kasoo baxay xisbiga waddani islamarkaana ay codka siiyeen 42 mudane oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada somaliland, waxaaa la tartamayey xildhibaan yaasiin xaaji maxamuud xiir faratoon oo isaguna helay codad dhan 39 cod.

Waxaana Sidaa ku noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

Mudane Xildhibaan C,risaaq Khaliif Axmed Halka uu gudoomiye ku xigeenka Kowaad uu ku guuleystay xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo isagana ay u codeeyeen xildhibaano tiradoodu dhan tahay, 38 mudane.

Waxaana sidaa ku guuleystay tartankii adkaa ee u dhexeeyey xisbiyada Mucaaridka somaliland iyo xisbul xaakima kulmiye isbahaysigii Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Waddani.

Mucaaradka Somaliland oo heshiis ka gaaray musharaxiinta guddoonka Golaha Wakiillada – Puntland Post

Kalfadhigan Saaka golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland ku doorteen shirgudoonka golaha wakiilada ayaa waxaa isagu ka maqnaa oo dalka dibadiisa u dhoofay islamarkaana aan wali la dhaarin xildhibaan kamid 82 mudane ee kusoo baxay doorashada golaha wakiilada somaliland.

La Soco Wixii Warar ah ee Kusoo Kordha Arrimahan.