Kulan Hawleed ay Maanta Yeesheen Gudida Heer Qaran Xanuunka Dhimirka iyo Madaxda Ururka Somaliland Mental Health Support oo Ka Shaqeeya Arrintaasi

Hargeisa (GNN):-Kulan Hawleed ay Maanta Yeesheen Gudida Heer Qaran Xanuunka Dhimirka iyo Madaxda Ururka Somaliland Santé mentale.

Kulan hawleedkan oo ay kasoo qayb galeen Madax kala duwan oo u badnaa xubnaha golaha wasiirada somaliland iyo Gudoomiyaha Ururka Somaliland Mental Health Support qaybtiisa Somaliland Dr Sheekh C.raxmaan Doodi, ayaa ahaa mid gudida heerqaran iyo madaxdan ururka SMHS ay uga arrinsan lahaayeen wax u qabashada iyo u gargaarida dadkeena dhibaataysan ee la ildaran xanuunka dhimirka,
Shirkan oo lagu qabtay Hotel Barbaar ee magaalada hargeisaa ayaa loogu gorfeeyey daryeelkaa dadkaasi baahan iyo sidii loogu helilahaa goobo daryeel iyo caafimaad oo lagu xanaaneeyo dadkaasi.
Wasiirka wasaarada maaliyada jsl oo kamid ah gudidan ayaa ka waramay ka dawlad ahaan doorkooda ay wax ugu qabanayaan dadkaasi iyo daryeelkooda.
Waxaana laysla qaatay sidii dawlad iyo shicib loogu istaagi lahaa dadkaasi sidoo kale waxaa iyaguna dhankooda balan qaaday inay qaranka kala shaqeynayaan Ururka Somaliland Mental Health Support uu uga qayb galay dr doodi islamarkaana ay horeba si mutadawacnimo ah ay uga shaqeyn jireen u gargaarida iyo caawimada dadkaa dhibaataysan.