Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, ayaa madaxtooyada ku qaabbilay Culimo uu Horkacayo Sh. C/rashiid Sh. Cali Suufi oo ah sheekh qaari ah oo laga ciseeyo guud ahaan dhulka muslimiinta ah.

Jigjiga(GNN):-Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa madaxtooyada ku qaabbilay
Sh. C/rashiid Sh. Cali Suufi oo ah sheekh qaari ah oo laga ciseeyo guud ahaan dhulka muslimiinta ah.
Madaxweynaha ayaana kulan la qaatay sheekha oo ay weheliyaan Sh. Maxammed Cumar (Dirir) iyo Sh. Maxammed Ismaaciil iyo tiro culummo ah. Sh. C/rashiid ayaa ugu horreyn kulanka ku furay akhriska aayado Qur’aanka kariimka ah.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah deegaankooda iyo dhulkooda ugu soo dhaweeyay sheekha iyo culimmada wehelisa oo maalmihii u dambeeyayba ku sugnaa magaalada Jig-jiga, islamarkaasina muxaadarooyin kala duwan ku qabtay.
“Waajibaad ayaa dhammaanteen inaga saaran dhawrista diinteenna, akhlaaqdeenna iyo dhaqankeenna suubban. waana lagama-maarmaan in dadkeennu aynan ogolaannin dullaysi dambe”, ayuu yidhi Mustafe Muxumed Cumar.
Ugu dambayn, waxa ay culimmadu si wadajir ah ugu duceeyeen madaxweynaha in uu Ilaahay–swt–ku asturo xilka iyo waajibaadka ballaadhan ee ka saaran shacabka, waxa ay sida oo kale ugu duceeyeen shacabka in Ilaahay uu isku duubo, garansiiyana xaqa iyo walaalnimada ka dhaxaysa, danbigoodana uu dhaafo.