Wasiir Ku-Xigeenka Xanaananadda Xoolaha oo la kulantay Masuuliyiinta Taiwan U Jooga Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xanaananadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Marwo Wasiir Yurub Abiib Cabdi ayaa saaka Xafiiskeeda ku qaabishay wafti ka socda Xafiiska Taiwan ee Somaliland.

Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda xannaanada xoolaha ee caasimada Hargeysa ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii labada wadan loo sii xoojin lahaayeen iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa.

In labada dal ay bilaabaan xidhiidh lagu xoojinayo Horumarinta Kalluumaysiga ee labada dal.

In dawlada Taiwan diyaar u tahay inay kala shaqeyso dhinaca bada iyo Horumarinta Kalluumaysiga sidoo kale in laga wada shaqeeyo xoojinta shuruucda kalluunka iyo ilaalinta bada Somaliland.