Deg-Deg-Shil Sababay Dhimashada ilaa Shan Ruux oo Hadda Ka Dhacay Duleeda Galbeed Hargeisa.

Hargeisa(GNN):-Inta La Xaqiijiyey Ilaa hadda 5 qof Ayaa ku geeriyooday shil Gaadhi Oo hada ka Dhacay duleedka Galbeed ee magaaladda Hargeysa. Laba gaadhi ayaa isku dhacay, dhaawaca lama oga wali. Gaadiidka Gurmad ka caafimaadka iyo ciidanka booliska ayaa goobta ku sugan.

Shilalka Gaadiidka ayaa ah Aafo Qaran gudaha Somaliland, sanad kasta kumaan qof ayaa ku dhimata shilalka baabuurta, khasaare kale ee hantiyeedna tiro maleh.
Rabí ha u naxariisto inta dhimatay,
La Soco Wixii warar ah ee Kasoo Kordha.