Jid Mihiim ah oo laga Dhagax-dhigay Waqooyiga magaalada Gabiley.

Gabiley(GNN):-Maamulka dawladda hoose ee degmada Gabiley, ayaa bilowday dhagax dhiga waddo 4 haada oo isku xidhaysa degaanada waqooyiga iyo magaalada.

Jidkan ayaa ah mid ay baahi weyn u ay u qabeen bulshaweynta degaanada Waqooyi ee magaalada Gabiley.

Haddii jidkani guuleysto oo uu dhammeystirmo waxa uu wax weyn ka tri doona, isu socodka dadka iyo gaadiidka ee degaanada dhanka waqooyi kaga began magaalada madaxda gobolka Gabiley.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli ay muddo kooban hayaan gudashada xilka ee golaha degaanka degmada Gabiley, mudayaasha dadku doorteen.