Kama filaynin nin gurigeyga igu soo weeraray in uu qiro kaalintii aan guusha dacwadda kulahaa.C.C Shakuur

Muqdisho(GNN):-Waxaan dhagaystay khudbad uu jeediyey Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday Farmaajo uu kaga hadlayey guushii dacwadda Badda.
Kama filaynin nin gurigeyga igu soo weeraray in uu qiro kaalintii aan guusha dacwadda kulahaa, laakiin waxaan la yaabay in isaga iyo CBB-da xaafiiskiisa ay weli isku deyayaan in ay mugdi geliyaan Is-afgaradkii 2009-kii la saxiixay.
Garsoorihii Maxkamadda, qareennadii ajnabagi ahaa iyo kuwii Soomaalida ahaa waxay qireen in is-afgaradku uu lafdhabar u ahaa badbaadinta baddeenna.
Waxaan kala garan waaye in aqoon darri u geysay iyo in cadowtinnimo halkaa la gaartay.
May be an image of 1 person