Maayar Degmada Gabiley Oo Kormeer Kadis Ah Ku Tagay Magaalada Kalabaydh Iyo Waxyaabihii Uu Kala Kulmay Dhakhtarka Iyo Goobaha Waxbarasho.

Kalabaydh(GNN):-Maayorka Magaalada Gabiley Mohamed-Amin Omer Abdi ayaa saaka Aroortii Hore  Kormeer Kadisa ku Tagay Xarumaha Caafimaad Iyo Waxbarasho Ee Magaalada Kalabaydh isagoo Abaalmarin Gudoonsiiyay Arday Iyo Macalimiintii usoo horeeyay ee kazoo xaadira dugsiyadii waxbarasho ee uu kormeerka ku tagay.

 

Kormeerka Maayarka Ayaa Ujeedadiisu Ahayd Mid uu ugu kuurgalayey xaalada shaqo ee xarumaha dawlada gaar ahaan Cisbitaalka degmada Kalabaydh, Dugsiga hoose dhexe, Dugsiga sare, sariimada iyo saldhiga degmadaasi.

Sidoo Kale Maayar Amiin ayaa waxa uu kulamo kala duwan kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada xarunta dawlada hoose ee kalabaydh.

Dhanka kale maayarka magaalada  Gabiley Ayaa Abaalmarimo Gudoonsiiyay Arday Iyo Macalimiin.