Marwo Xaliimo Cumar British oo Maanta ku Wareejisay Lacagtii 20,000 kun dollar ee ay Ficilka Wasiir Khadiija u Bixisay.

Hargeisa(GNN):-Marwo Xaliimo Aw Cumar British oo kamida haweenka qurbe joogta somaliland ayaa maanta ku wareejisay lacag dhan 20 kun oo dollar Xildhibaan barkhad jaamac Batuun kamid markii maalintii shalay ay warbaahinta la soo fadhiisatay wasiir khadiija oo kamida wasiirada dawlada wakhtigeedu dhammaday ee somalia lacag ay ku sheegtay inay tahay 15kun oo dollar oo ay usoo ururisay xildhibaan barkhad jaamac batuun si ay ugu iibiso baabuur, waxaana marwo xaliimo aw cumar oo ka cadhootay arrintasi ay muuqaal xalay ay baraha bulshada ku faafisay ku sheegtay in ay subaxa marka uu waagu baryo ay iyadu siinayso xildhibaan barkhad jaamac batuun lacag dhan 20,000 kun dollar. waxaana maanta goob fagaare ah ay ugu wareejisay xildhibaanka lacagtaasi iyadoo sheegtay in shacabka somaliland yihiin kuwo aan lagu mancin karin shilimaad bulsho laga soo guray ooo qaadhaan ah.

dhankiisa xildhibaan barkhad jaamac batuun ayaa lacagtii kusii wareejiyey gudida xaafada daami oo uu sheegay inay xaafada ugu dhisaan xanaano ay hooyooyinka umulayaa ku dhalaan maadaama aaney lahayn xaafadu mch, halkii uu isagu gaadhi cad ku raaci lahaa lacagta gabadhan reer somaliland ay ugu deeqday.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Warkan.