Ururka somaliland mental health support ayaa ka qayb galay munaasibada xuska maalinta caafimadka Maanka oo ku beegan  10 actober oo ay soo qabanqabisay wasarada hormarinta caafimadaka somaliland.

Halkudhiga sandkan wuxu ahaa “isku tashibuu ku taabaglaa daryeelka maanku “

Hargeisa(GNN):-Madasha Xuskan maalinta loo asteeyey xuska maalinta xanuunka maskaxda ama dhimirka oo lagu qabtay magaalada hargeisa ayaa waxaa ka qayb galay madax kala duwan oo ka kala socotay hay’adaha dawlada ururada bulshada rayidka ee ka shaqeeya arrimaha maanka oo uu ugu horeeyo ururka Somaliland Mental health Support oo si mutadawacnimo ah door muuqda uga qaatay sanadihii ugu danbeeyey daryeelka iyo waxtarka bulshadeena ay asiibeen xanuunada dhimirka ama maskaxdu.

Ururka somaliland mental health support ayaa ka qayb galay munaasibada xuska maalinta caafimadka Maanka oo ku beegan  10 actober oo ay soo qabanqabisay wasarada hormarinta caafimadaka somaliland.

Wasiirka wasaarada hormarita cafimaadka xasan gaafadhi ayaa bogaadiyay shaqaday hayaan waaxda maanka iyo ururada la shaqeeya isaga  oo ku dhiiri galiyay in wacyi galinta kor looqaado isagoona balanqaaday inay samayn doonan goobo lagu lafa guraayo xanuunada maanka

Waxa isna halkaaa ka hadlay gudomiyaha somiland mental health support dr.c/raxman doodi oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay sidii looga hawl gali lahaa qaran iyo shacaba caawinta iyo sidii caafimaadkooda loogu heli lahaa daryeel joogta dadkeena xanuunada dhimirku soo waajaheen.

Waxaanuu u mahadceliyay ururada ka shaqeeya manka gar ahaan ku ay wadaqaynta dhaw laleeyihiin waxaanuu kudheeraday ahmiyada ay leeday wads shaqayntu iyo wax wada qabsigu

Waxaanuu sheegay in laga bogsan karo xanuunda manka lana tageero dadkaa ka bogsady.