XOG XASAASI AH: Fashilka iyo Fadeexadaha Huursan ee Doorashada Soomaaliya oo Caalamka loo soo bandhigay

Hargeysa (GNN)- Fashilka iyo Fadeexadaha Ku Qarsoon Doorashada Soomaaliya oo la soo bandhigay Soomaaliya waxa dhawaan la dooranayaa 275-ka xildhibaan ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Dalkaas.

Waxa la qiyaasay in Kursi kasta ay ku baxayso kharash gaadhaya $220,000 marka laysku geeyo lacagaha ololaha murashaxiinta u tartamaysa, lacagaha ka imanaya dhinaca shaqsiyaadka danaha siyaasadeed ka leh. Taasi waxay ka dhigan tahay inay 275 kursi ku baxayso adduun lacageed oo dhan $60 Milyan.

Iyadoo taasi jirto, waxa Soomaaliya ka jirta abaar ba’an oo saamayn ku yeelatay nolosha dadka reer Guuraaga ah, waxaana la shegayaa inay xaalad macaluul ah ku sugan yihin 2 Milyan oo Qof oo abaaruhu ku dhufteen.

Muuqaalka Hoose ka daawo Mujaahid Maxamed Maal oo si faahfaahsan uga hadlaya arrimahan