Waftigii Ka Socoday Somaliland oo Guul La Taaban Karo Kala Kulmay USA+Kulankii Ay La Qaateen Jaaliyada.

Washinton(GNN):-Dawlada Maraykanka ayaa si heer caalami ah kusoo dhaweysay wafti reer somaliland ah oo todobaadkii ugu danbeeyey safar ku jooga dalka maraykanka, waxaana waftigan uu horkacayey wasiirka wasaarada arrimaha dibeda jsl Dr Ciise kayd, iyo Drs Adna aadan ismaaciil ayaa kulmo wax ku ool la ah la qaatay wasaarada arrimaha dibeda ee dalka Maraykanka iyo madax kale oo ka tirsan maraykanka, waxaana Habeen hore ay waftifagan uu wasiirku hogaaminayaa kulamo iyo shirar la qaateen jaaliyada reer somaliland ee ku sugan dalka Maraykanka gaar iyadoo xaflad balaadhan oo kulmisay kumanaan qof oo reer somaliland ah lagu qabtay Magaalada Washinton DC.

Xafladan Balaadhan ee ay kala qayb galeen Jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan dalka USA ayaa Waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga caalmiga ah Dr Ciise Kayd iyo Marwo Drs Adna Aadan ismaaciil oo kamida Aqoonyahanka reer somaliland ee xooga saara qadiyada iyo ictiraaf raadinta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Khudbadaha Ay Madaxdani Ka Jeediyeen Washinton.