War Deg-Dega-Qarax Caawa Lagu Dilay Wariye C/casiis Africa &Agaasimihii Radio Muqdisho iyo Tvga Qaranka Somalia.

Muqdisho(GNN):-Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen agaasimayaasha taleefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho Sharma’arke Maxamed Warsame iyo Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, iyo darawlka gaariga.

Allah ha u naxariistee, waxaa qaraxa ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, sida aan xogta ku helnay. 

Wariye Cabdi Casiis Afrika oo dhaawac ka soo gaaray Israsaasayn Muqdisho ka dhacday | XOG-DOON NEWS - Breaking News From Somalia

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay agagaarka wasaaradda dhalinyarada oo qaraxu uu ka dhacay.

Ad by Valueimpression

Weli ma cadda nooca qaraxa uu ahaa, waxaana warar horudhac ah ay sheegayaan inuu fuliyey qof is-miidaamiyey.

Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor.