Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Dalka Maraykanka

Washington (GNN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Maraykanka ee Washington.

Weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay ku wehelinayso Ergayga Aqoonsi-raadinta Somaliland Dr Edna Aadan Ismaaciil oo maanta gaadhay dalka Maraykanka, waxa soo dhaweeyey Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin u dhashay Maraykanka oo u dhaq-dhaqaaqa qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, Wakiilka Somaliland ee Maraykanka, Guddoomiyaha Ururka Somaliland international Recognition Advocate (SIRTA) Marwo Canab Riyoraac iyo qaar ka mid jaaliyadda Somaliland ee dalkaas.

Ujeeddada socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku tagay dalka Maraykanka ayaa la xidhiidha marti-qaad Somaliland ka heshay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, iyadoo oo toddobaadka dambe lagu wado inuu dalkaas ku qabsoomo shirweyne ay ka qayb-galayaan madax ka socota in ka badan 100 waddan oo lagu majeerto dowlad-wanaagga iyo nidaamka dimuqraadiyadda.

Gabiley News Desk

Exit mobile version