“Dowlad Laba Kaclayn Ah Ayaanu Samaynaynaa..” Faysal Cali Waraabe oo Mar Kale Hanjabay

Hargeysa (GNN)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ka furmay shirweynaha 4aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaana munaasibadda ka qayb-galay hoggaanka sare iyo ergooyinka xisbiga oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu eedaymo u jeediyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu ugu baaqay inuu wakhtigeeda ku qabto doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan dhammaadka sannadkan 2022-ka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalladii Guddoomiyaha Xisbiga UCID ka jeediyey furitaanka shirweynaha 4aad ee Xisbiga UCID.