Marba Xisbiga Sii Dhacay ee Taladu Ka Dhammaatay Ayaa Bilaaba Carqalada iyo Dhibaatada Imika Madaxweynuhu Isagaa Bilaabay.

Hargeisa(GNN):-Ex xildhibaan waabeeye oo hore uga tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada somaliland oo maanta ka hadlay madashii maalinta shirweynaha xisbiga Ucid ayaa Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland ku eedeeyey inuu isagu waddo fawdo iyo fadqalalo, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in marba xisbiga sii dhacaya uu isagu noqdo ka mar walba bilaaba mushkilada sidaa darteedna uu xisbiga kulmiye yahay xisbi calankiisu dumay.