Somaliland: Maraykanka oo Aqbalay Qorshe Siyaasadeed loo Bandhigay & Heshiisyo Miiska Saaran

Warbixin lagu daabacay Majaladda Politico oo ka mid ah warbaahinta ugu saamaynta badan dalka Maraykanka ee khuseeya arrimaha siyaasadda, waxa lagu xusay in dowladda Maraykanku si weyn u soo dhawaysay qorshe-siyaasadeed oo weftiga Somaliland miiska u saareen dowladda Maraykanka, taas oo natiijada ka dhalatay sababtay in wefti Xaqiiqo-raadin ah oo ka socda Aqalka Congress-ku socdaal ku yimaaddaan Somaliland bishan December.

Warbixinta Majaladda Politico oo ka warramaysa natiijada safarka weftiga Somaliland ee gaadhay dalka Maraykanka, waxa lagu yidhi, “Bishii hore ee November 2021, wafti ka socda Somaliland oo ah dal aan wax xidhiidh ah la lahayn wadamada horumaray ee dunida, ayaa booqasho shaqo ku yimi Caasimada Maraykanka ee Washington D.C, waxayna dhex mushaaxeen Capitol Hill oo ay ku yaaliin badi xafiisyada looga taliyo dalka Maraykanka, waxay la fadhiisteen mudanayaasha 2-da aqal ee Senate ka iyo Congress ka, Madaxda Wasaaradaha Difaaca, Tamarta iyo Arimaha Dibada, waxa kale oo ay la kulmeen Gudida mihiimka ah ee Amniga Qaranka Maraykanka.