Taliyihii Hore Ciidamada Qaranka Somaliland Gen Jidhif Oo ka Hadlay Muranka U Dhexeeya Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka.

Hargeisa(GNN):-General Maxamed Xassan C,laahi Jidhif oo ahaa Taliyihii hore ciidamada qaranka somaliland oo maanta telefishanka Saab wax ka waydiiyeen sida uu u arko muranka u dhexeeya khilaafka xisbiyada mucaaridka somaliland iyo xukuumada ayaa sheegay in marwalba halka laga duulayaa ay tahay wixii sharciga iyo xeerarka dalku sheegayaan, sidaa darteed lagu dhaqmo kuwaasi marwalba, dalkana ay doorashadu wakhtigeeda ka dhacdo, furista ururada siyaasadana ay banaantahay in wakhtigooda la furo.