Xaalada Xabsiyada Mandheera iyo Berbera oo Siweyn looga Dayriyay iyo Fariin Xukuumadda loo Diray.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka Shuruucda, Dastuurka iyo Xuquuqal iinsaanka Yaxye Cabdillaahi Amiin Araarse, ayaa sheegay in Jeelka magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ay ka jirto xaalad aan la sii eegan Karin, isla markaana  loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto, isaga oo xusay in uu qarka u saran yahay in uu dumo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xabsiga Mandheera la geeyo laba booyadood oo biyaha u soo dhaamiya, isaga oo ku sabbabeeyay in biyaha maxaabiista xabsiga ku xidhani ay yihiin kuwa adag.

Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in dadka ku muda dhaafay haddii ay sii daayaan in lagu qabsanayo.

Guddoomiyaha oo jeediyay warbixintii guddi hoosaadka shuruucda, dastuur iyo xuquuqal iinsaanka ee golaha wakiilladu waxa uu ku sheegay arrimo kale oo badan.

Waxaanu yidhi.“Ka guddi ahaan waxaa noo soo baxday in jeelka Berberi u  baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto, marxalad aan la sii eegan karin oo ku dhaw in uu dumo ayuu qarka u saran yahay, sababto ah waxa la dhisay sannadkii 1918-kii, waana in la bilaabo xabsiga cusub ee loogu tallo galay Berbera.

Xabsiga Mandheera in loo qorsheeyo sidii loogu helilahaa, laba booyadood oo biyaha la cabayo u soo qaada, maadaama biyaha xabsigu noqdeen kuwa adag, oo aan la cabi Karin, iyo in kor loo qaado aqoonta saraakiisha iyo ku xigeenadooda, iyo ciidamada kale ee kala duwan.

Xabsiyada Mandheera iyo Berbera in dhinaca caafimaadka iyo daawooyinka iyo dhakhaatiirta aanay lahayn labadaasi jeelba, isla markaana maxaabiista jeelashaasi ku xidhani xaaladooda caafimaad ay halis ku jirto, mana haystaan daawooyin iyo adeeg bixin caafimaad oo wixii maxaabiista ku soo kordha lagula tacaalo.

In labadaasi jeelba ay u baahan yihiin in loo kordhiyo xagga ciidanka iyo gaadiidka, madaamada aanay ku filayn hadda ciidanka iyo gaadiidka joogaaba, in maxaabiista qaar mudda dhaaf racfaan iyo arrmo kale haystaan, loona baahan yahay in wax laga qabto, sidoo kalena wax ka baddel lagu sameeyo xeerka xabsiyada iyo ka maandooriyaha.

Waxaanu tagay xabsiga dhexe ee Mandheera, waxa nagu soo dhaweeyay taliyaha xabsiga iyo saraakiisha kale ee joogta xabsiga.

Taliyaha xabsiga dhexe ee Mandheera gaashaanle sarre Muuse Abokor Qoorsheel, waxa uu sheegay in xabsigu ka kooban yahay 4 Baloog, tirade guud ee maxaabiista jeelka ku jirtaana ay tahay 585 maxbuus, oo dhammaantood rag ah, wax carruur ahna waxa ku jira 18 iyo 4 qof oo ajaanib ah, haweenkana laguma soo xidho xabsiga Mandheera, waxa kale oo uu intaas ku daray in maxaabiista Rumaanka ah aan la keenin, balse marka la soo xukumo uun la keeno, waxa kale oo uu intaas raaciyay in maxaabiista muddadii xukunkoodu dhammaaday qaar ka mid ahi wali ku xidhan yihiin, isla markaasna ay jirto cilad xagga sharciga ah, taas oo uu taliyuhu sheegay in marka maxbuusku la xukumayo, uu xukunkiisu noqdo xadhig iyo lacag xuquuq ah ama lagu leeyahay, laguna xukumo in uu bixiyo, waxana dhacda in xadhigu ka dhammaado isaga oo aan bixin ama laga bixinin, garsooruhuna go’aankii xukunka kumu caddeyn in la hayo ilaa lacagtaasi uu bixiyo iyo in la siidaayo midna.

Haddii la sii daayo maxbuuskii xadhigiisu dhammaadayna taliyaha xabsiga ayaa loo qabsanayaa, marka waxa dhacda nin sannad ku jiray xabsi in lacag yar oo lagu leeyahay lagu sii hayo, arrintaasina ay dhib aad u weyn ku hayso.

Waxa uu xusay in ay gudbiyaan bilkasta warbixin maxaabiista xukunkii ka dhammaaday oo lacagaahaasi lagu leeyahay, isla markaana intooda badan aan racfaan la geyn ama wax laga qabtaa aanay jirin.

Waxa kale oo sheegay in 18-ka carruur ah ee jeelka ku jira ay ku qaangaadheen xabsiga, lana soo xidhay iyaga oo ciyaal ah, waxaana lagu soo xidhay, kufsi, moobilo dhicin iyo dhaawacyo ay dad u geysteen iyo waalid caasi.

Taliyuhu waxa uu caddeeyay in danbiyada ay u xidhan yihiin maxaabiista ku jirta xabsiga Mandheera ay yihiin 21% Daroogo, 17% Budhcad, 6% Kufsi, 12% Tuugo, 36% qaybaha kala duwan.”