Duplomasiyiin Maraykanka oo ka qoomamooday Aqoonsiga Somaliland oo ay il-duufeen xilligii ay xilalka hayeen

Diblomaasiyiin hore u soo maray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaara ahaan Waaxda qaabilsan Arrimaha Africa, ayaa ka qoomameeyey fursado dibloomasiyeed oo ku seegay tixgelin la’aanta qadiyadda madax-bannaanida Somaliland oo ay xuseen inaanay xoogga saarin muddadii ay xilalka hayeen isla markaana ay ahmiyadda siin jireen dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Warbaahinta Somaliland Post, ayaa warbixin ka diyaarisay hadallada ay sheegeen Saddex ka mid ah dibloomasiyiin hore u soo qabtay xilka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Afrika, kuwaas oo xilligan garowshiinyo ka bixiyey qaladaad ku jiray Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee ku wejahan Somaliland xilligaas oo ay sheegeen inay wax badan ka beddeli karayeen maadaama oo ay Qaranka Maraykanka u qaabilsanaayeen jaan-goynta xidhiidhada siyaasadeed ee dowladaha Afrika.’