Maamulaha Dugsiga Pharo (EX-SOS) Oo Khudbad Luuqada Ingiriisiga ah u Diray Beesha Caalamka.

Hargeisa(GNN):-Iyadoo Labadii cisho ee ugu danbeeyey uu guud ahaan ka socodo banaan baxyada iyo dabaal degyada ay ku muujinayaan, halka ay ka istaageen aqal baarlamaanka dalka ingiriiska ayaa waxaa isaguna kamid ahaa dadka shucuubtooda ku muujiyey qadiyada qaranimada somaliland Muwaadin Maamule Aadan Muuse Cali Cigaal oo ah Maamulaha dugsiga pharo ee hore loo odhan jiray SOS, waxaana uu khudbad luuqada ingiriisiga u diray beesha caalamka isagoo ereyo miisaan culus kula garnaqsaday inta kasoo horejeeda Qadiyada Ictiraafka Somaliland.

Aqoonyahan Aadan ayaa kamid ahaa Dadkii si xoogan uga soo qab qaatay nabada iyo horumarka maanta ka jira somaliland una soo dagaalamay xorayntii dalka somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Khudbadan uu Jeediyey.