WARARKA




Bayaan ay soo Saartay Daladda SSNL-Somaliland ee Waddanka Holland.

Somaliland Society in the Netherland

Date:ย  11.04.2022

Ku: Ururada Somaliland ee Holland

Ku: Mutadawiciinta (Activists) ee Holland

Og: Guddida Qaadhaan ururinta Suuqa Waaheen

Og: Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Habsami u socodka Hawlaha Qaadhaan ururinta Suuqa Waaheen

Tan iyo maalintii uu soo baxay baaqa Xukuumadda Somaliland ee ku saabsan Qaadhaan ururinta Suuqa weyn ee WAAHEEN Hargeysa, waxa daafaha dunidaย  aad looga dareemay sida dadweynaha ka soo jeeda Somaliland ayย  u ayideen baaqaa.ย  Arrintaasi waxay muujinaysaa sida Jaalliyadaha Somaliland ay ugu xidhan yihiin dalkooda, diyaarna ugu yihiin ka qayb qaadashada gurmadka iyo taakuleynta dadkooda iyo dalkooda.

Waxa meelo badan oo qaaradda Yurub ah siย  xammaasad waddanimo leh ugaย  socda kulamo lagu lafagurayo habsami u socodka hawlaha qaadhaan ururinta eeย  suuqa WAAHEEN ee ku yaallaย  badhtamaha caasimadda.

Dalka Holland ayaa ka mid ah waddamada ayย  bulshada ku dhaqaniย  sida weyn isku abaabuleyso oo magaalo walba dhinaceeda ka waddo dadaal xoog leh oo dhaqaale loogu ururinayo dadkii hantidooda ku waayey masiibadii ku habsatay suuqa weynย  ee WAAHEEN.

Annagoo bogaadinaynaย  dadaalkaย  nafhuridda ah ee ay wadaanย  ururada iyo mutadawaciinta hawshan ku jiraa,ย  waxan ku baraarujinaynaa inay laย  xidhiidhaan guddida Qaadhaan ururinta Suuqa WAAHEEN.ย  Ugu dambeyn waxan kula dardaarmaynaa inay ku dadaalaan inay qaab hufan (transparent) ah ku hawl galaanย  dhaqaalaha ay soo ururiyaan ku shuubaan xisaabta (Account-yada) loogu tallagalay ee la soo cayimay.

Wa billaahi tawfiiq

Guddida Fulinta

Somaliland Society in the Netherland

E-mailย  adam.32@live.nl