Hargeysa: Xaafad Qaylo-dhaan u dirsatay Madaxweyne Biixi iyo Maayar Mooge

Shacabka ku dhaqan Xaafadda Aadan Shiine ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, ayaa Qaylo-dhaan u dirsaday Madaxweynaha Somaliland iyo Maayar Caasimadda.

Dadweynaha oo Jimcaha maanta bannaan-bax salmi ah isugu soo baxay xaafaddaas, ayaa cabasho ka muujiyey Dhul dan-guud ah oo adeegyada bulshada xaafadda loogu talo-galay oo ay sheeganayaan saraakiil ka tirsan ciidamada Qaranka.

Dhulka Danta Guud ah ayaa loogu talo-galay in laga dhigo Istaanka Basaska ee xaafaddaas oo ku taalla Dhinaca Woqooyi-Galbeed ee Caasimadda Hargeysa.

Muuqaalka Hoose ka daawo Farriimo ay u direen madaxweyne Biixi iyo Maayar Mooge.