Dubaaqii Faysal, Dabuubtii Cirro iyo Dooddii Xirsi ee Ibo-furka Wada-hadallada Somaliland

Waxa maanta qasriga madaxtoooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabmay kulankii koowaad ee wada-hadallada u dhexeeya madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, oo uu gadh-wadeen ka yahay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxmauud Aadan oo way wehelinayaan ergedii is-xilqaantay ee ku hawllanaa arrintan.