Siyaasiga Saameynta Badan ee Maxamuud Xaashi & Xubno uu hormuud u yahay oo Maanta ku Dhawaaqay Urur Cusub.

Hargeisa(GNN):-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo kamida siyaasiyiinta saameynta xoogan kuleh somaliland, xilal kala duwana kasoo qabtay qaranka jsl ayaa isaga iyo siyaasiyiin ka kala socoda gobolada dalka jamhuuriyada somaliland ay kagaga dhawaaqeen urur cusub maanta magaalada hargeisa.

Ururka cusub ee maanta uu ku dhawaaqay Siyaasi maxamuud xaashi Cabdi oo hore uga tirsanaa xisbiga kulmiye ayaa la magac Baxay Magaca KAAH.

Madasha lagaga dhawaaaqay ururka cusub ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo isugu jira Siyaasiyiin, Xildhibaano ka socoda golayaasha qaranka Somaliland, cuqaal iyo waxgarad, haldoorka dhalinyarta bulshada rayidka iyo xubno hore uga tirsanaan jiray xisbiga kulmiye oo aad u tiro badan.

Nuxurka khudbado kala duwan oo madasha laga jeediyey ayaa ay badiba bulshadu ku sifeysay siyaasi maxamuud xaashi shaqsi hogaamin kara shacabka somaliland waayo aragna ah.