Fariin Digniin ah oo uu soo Saaray Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka JSL.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Jsl Mudane Axmed Yuusuf dirir ayaa sooosaaray nuxurka fariin ogaysiin ah, waxaa uu bulshada qaybeheeda kala duwan iyo laamaha dawlada oo ay kamid yihiin dawladaha hoose ee dalku.

waxaa Xafiiska Hanti-dhawrku ugu baaqay inaaney jiri karin xafiis dawladeed oo bulshada lagaga qaado lacago aanu waajibin xeer ama sharci islamarkaana aan qofka la siinin juwanka lacag qabashada ee General Reciept Vocher.

Ugu Dambayn waxa uu Xafiisku Ogaysiinayaa Muwaadiniinta Somaliland in Cidii laga qaado lacago aan Sharciga waafaqsanayn ama la kulanta falalka noocaas ah in ay u soo gudbiyaan Xafiiska hantidhawrka qaran si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

 

error: Content is protected !!