Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Xilka kala Wareegay Agaasimihii ka horreeyey Oo Wax-qabadkiisa la Qiray

Hargeysa (GNN)- Agaasimaha Guud ee Cusub ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim, ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii Guud ee Hore Mukhtaar Cabdi Quule oo muddo laba sanno ku dhow xilka hayey.

Munaasibad ay labada masuul xilka kula kala wareegeen oo ku qabsoontay xarunta Baanka Dhexe, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe, Agaasime waaxeedyada iyo Guddiga Sare ee Baanka Dhexe, Xildhibaanno, masuuliyiin ka socday hay’adaha Maaliyadeed ee dalka, shaqaalaha Baanka Dhexe iyo marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay Agaasimihii hore ee Baanka Dhexe Mukhtaar Cabdi Quulle oo ka warbixiyey waxqabadyadii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, waxaanu u mahad-celin u jeediyey masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada baanka Dhexe oo uu xusay inay si hufan ula shaqeeyeen muddadii hayey.

Mukhtaar Cabdi Quulle waxa uu ku dheeraaday tallaabooyinkii u horreeyey ee ay qaadeen markii xilka loo magacaabay oo uu xusay inay ugu horeeyeen qiimeyn iyo xog-ururin ay salka ugu dhigeen helitaanka xogo rasmi ah oo la xidhiidha hawl-qabadyada muhiimka ah ee ku saabsan hawlaha uu qaranka u hayo Baanka Dhexe ee Somaliland.