Weriyihii Difaacey Sharafta Haweenka Dalkiisa Ee Haddana Shaqadiisii Ku Waayey.

Abdisamed Nasser waa Weriye u Dhashey wadanka Boqortooyada Morocco ,Wuxuuna Muddo 26 sano ah ka shaqeynayey channelka Aljazeera Arabic,Isagoo ahaa Weriye Soo Tebiya Wararka iyo Soo Saare Barnaamijyada loogu jeclaa Aljazeera sida :-
• Shareeca wal xayaa
• Minibar Aljazeera
Waddamada Morocco iyo Aljeria waxaa xumaadey xidhiidhkoodii iyadoo labada waddanba ay kala xidheen Xuduudaha iyadoo ay Algeria ay Caawiso Jabhada Bulasario Ee Sahara Galbeed,Arinkaas oo meel xun gadhey
Ayaa Tv-ga Waddanka Algeria ayaa Todobaadkan laga sii daayey Barnaamij ( Documentary ) ah Oo Wax lagaga sheegaya Moroco,Waxaana ka mid ahaa Barnamijkaas
• In Waddanka Morocco Uu yahey Wadanka
Ugu Musuqmaasuqa Badan waddamada Carabta.
• In Dumarka Morocco laga Kireeyo Dadka
Dalxiisayaasha yimaada Moroco.
Morocco waa Waddanka Waddamada Carabta Dhaqaalaha ugu Badani kasoo galo Dalxiisayaasha Soo booqda.
Waddanka Morocco wuxuu ka mid yahey waddamada ay Shirkadaha Soo Saarta Filimada sida Hollywood iyo Netflix, ay ku Duubaan Filimada ugu Xiiso Badan.
Haddaba Markii Documentrigaa laga Daawadey Dalka Morocco ayaa waxaa Dagaal Balaadhani ku dhex marey labada Shicib Baraha Bulshada sida Twitter,Tiktok,Facebook, Iyo YouTube kaba.
Dagaalkaas oo ay ka qeyb qaateen Ururada Saxaafada Haldoorka iyo Aqoonyahano Badan oo labada dhinacba.
Weriye Abdisamed Nasser ayaa Dagaalkaas Baraha Bulshada ka qeyb qaadey Isagood Boga uu ku Leeyahey Twitter ka kusoo Hadal Gaaban lkn Micno weyn Gudbinayey Kaas oo Uu Ku Difaacayey Sharafta iyo Xurmada ay Leeyihiin Haween weynaha Reer Morocco
لا فض فوك.
لقد جَوّعتِ اللفظ وأشبعتِ المعنى يا أختاه.
من أجلك وأمثالك من المغربيات الحرائر والشريفات العفيفات يرخص كل غالٍ.
تحية إجلال وإكبار للمرأة المغربية أينما كانت في المملكة
الشريفة أو خارجها.
Hadalkaas Ayaa Waxaa Dhibsadey Reer Algeria 🇩🇿 Taasina Waxey Keliftey In Weriye Abdisamed Uu Lasoo Hadlo Maamulaha Aljazeera Arabic Oo Magaciisa La Yidhaa Ahmed Yafei una Dhashey waddanka Qatar 🇶🇦 wuxuuna ku Yidhi Weriye Abdisamed Nasser Inuu Tweet kaas Ka Tirtiro Boggiisa Taasna wuu Diidey Abdisamed Nasser
In ka badan 26 sano, Weligiis ma uusan soo saarin wax weerar ah ama jabin waajibaadkiisa shaqo, ka sokow Sumcad aad u wanaagsan oo uu ku dhex leeyahay Maamulka Channelka Iyo Asxaabtiisa Al Jazeera.
Markey Halkaas Sheekadu Mareyso Ayuu Weriye Abdisamed Nasser u Baxey Socdaal waddankisii isagoo Soo Booqanayey Hooyadii Oo Xanuunsaneysey Isagoo Morocco Jooga ayaa Mar Labaad Waxa lasoo Hadley Maamule Ku- Xigeenka Aljazeera Arabic Oo la yidhaa Magaciisa Moustafe Souag Oo Dhalasho Ahaana Kasoo Jeeda waddanka Algeria 🇩🇿 Waxaanu isaguna ka Codsadey Inuu Tweet kii Ka Tirtiro Boggiisa Weriyuhuna Wuu ka Diidey Sidii Markii Hore Haddana Wuxuu ku yidhi haddaanad Tirtireyn Wax ka bedel kusamee Qoraalkaaga Taasna Wuu Ka Diidey Abdisamed Nasser.
Weriye Abdisamed Nasser Isagoo Weli Jooga Morocco 🇲🇦 ayuu Heley in Shaqadii laga Joojiyey ilaa Hadda Aljazeera Arabic ma Cadeyn Shaqo ka Eryidaas Weriye Abdisamed Nasser.
Waa Kuma Weriye Abdisamed Nasser
Abdel Samad Naasir Waxa uu ku Biiray Al-jazeera Bishii May 1997-kii, isaga oo ka yimid Channelkii ugu horreeyay ee Morocco, kaas oo uu ku qaatay muddo 3 sano ah, ka dib markii uu ka qalin-jabiyay Jaamacadda Mohammed V ee Rabat oo uu ka bartay suugaanta iyo cilmiga luqadda Carabiga.
Abd al-Samad Naasir ayaa tan iyo markii uu ku soo biiray Channel-ka waxa uu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan, sida Minbar al-jazeera, The Iraqi Scene (ka Baqdaad), shareecada iyo nolosha muddo laba sano ah, Ciraaq iyo dagaalkii Lubnaan 2006 iyo dagaalkii Gaza 2008.
2017, Xoghaynta Guud ee Golaha Midnimada Warbaahinta Carabta ayaa ku dhawaaqday magacyada guusha ee kalfadhiga sagaalaad ee Abaalmarinta Al-Haytham ee Warbaahinta Carabta, oo ay ku jiraan baahinta Moroccan ee wakhtigaas ka shaqaynaysay Channelka Al-Jazeera, Abdel Samad Nasser, Qaybta “Weriyaha TV-ga ugu caansan dunida Carabta.”
Gebagebo
Haddaba Asxaabteyda Somaliland Ee Ka Howl Gala Qeybaha Saxaafada Kala Duwani In Ay Sharafta Qarankooda Ilaaliyaan
Qalinkii
Axmed Jaamac Faarax