Xisbiga Kumiye Oo Su’aalo Iska Weydiiyey Mowqifka Xisbiga Waddani ee Jiritaanka Somaliland?

Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay jiritaanka hay’adaha Dastuuriga ah ee Qaranka Soomaaliland leeyahay iyo kala-madaxbannaanidooda.

Haddaba, waxa nasiib-darro ah in hoggaanka Xisbiga Waddani hab-dhaqan ka dhigtay eedaynta iyo cambaaraynta hay’adaha dastuuriga ah, iyagoo si joogto ah u aflagaadeeya Golaha Guurtida, Maxkamadda Sare/Dastuuriga iyo Ciidammada Qaranka.
Shacabka Soomaalilaand waxa ay iswaydiinayaan:

• Xisbiga Waddani miyaanu aaminsanayn jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxbannaanida Qaranimadeeda?
• Xisbiga Waddani miyaanu aqoon u lahayn qodobada dastuuriga ah ee xilka lagu waayi karo?
• Xisbigaa Waddani miyaanu aaminsanayn Hay’adaha Garsoorka iyo xaq-soorkooda?
• Xisbigan Waddani ee raba hoggaaminta dalku miyaanu taageero u ahayn ciidammad Qaranka ee dalkooda difaacaya?
• Xisbiga Waddani miyaanu la aragti ahayn shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee u taagan ilaalinta qarannimadooda?
• Xisbiga Waddani miyaanu arkeynin duullaanka xuduudeed ee dalkan lagu soo qaaday?

Haddaba, Xisbiga KULMIYE waxa uu caddaynayaa in aan gole, xisbi, hay’ad kale iyo cid kasta oo ka baxsan garsoorku aanay awood sharci u lahayn faro-gelinta dacwadaha daskuuriga ah ee ka socda hay’adaha garsoorka. Waxa aannu u soo jeedinaynaa hay’adaha awoodda sharci u leh in ciddii faro-gelisa hay’adaha garsoorka iyo madaxbannaanidooda ay la xisaabtamaan.

Ugu dambayn, waxaanu u sheegaynaa hoggaanka Xisbiga Waddani in dalkani leeyahay Dastuur iyo xeerar ka dheegma, laguna wiiqi karin eedaymo aan qaban iyo daacayado caado laga dhigto oo loo gaysto hay’adaha dastuuriga ah ee Qaranku leeyahay.