*TALISKA NUGULEE NIYAD-JABKA NAF-LACAARIGA AH* Qalinkii: Cali Xaruuri Holland

Xasan Sheekhow waxaad ku hadaaqi jirtay
” in Xumaantii hore loogu geystay  Somaliland aan looga sii darin”, balse waxad maanta colaadda gaadhsiisay meel aan  hore cidi u gaadhsiin.

Waxa maanta soo if baxday midabkaagii dhabta ahaa iyo cadaawadda aad Somaliland u qabto.
Waxba ula maad hadhin Reer Somaliland.

*Somaliya (koonfurtu) intay nabad kugu yeesho colaad kuguma yeesho.*

Mar haddii nabaddii iyo wanaagii idin deeqi waayey, waxan idin leenahay “iska soo mar waa kuu mubaax marinkaad doontaan”.

*Marna taagtiin marna tamartiin.*

Cid kastaa maanta way ka dheregsan tahay in heshiis ku-sheegga  Turkigu iyo Somalia  uu yahay mid xin iyo xumaan ah oo aad ula jeeddo in aad horumarka Somaliland ku waxyeelayso.
Xaalkaagu maanta waa *”Habar dhaliweyday Aleelo  ku waalatay”*.

Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ma aha mid  Turki iyo qeyrkii is-hortaagi. Mashruucani wuu soconayaa, cid horjoogsan kartaana  ma jirto.
*Ha karaama seegina habaar la igu kari waaye*

Guul iyo Gobanimo
Somaliland
Qalinkii: Cali Xaruuri
Holland